Saturday, January 17, 2026
Google search engine
HomeWararSacuudiga oo Xog cusub ka bixiyay Duqeyntii, xilli UAE bilaabay inuu ka...

Sacuudiga oo Xog cusub ka bixiyay Duqeyntii, xilli UAE bilaabay inuu ka baxo..

Sacuudiga ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay duqeyntii Isbaheysiga Sacuudiga ay ka geysteen Dekadda Mukalla ee dalka Yemen, taasi oo xiisad ka dhex abuurtay dowladda Khaliijka Carabta ee deriska la ah Imaaraadka Carabta, waxa ayna saacado kooban u qabteen in ciidankooda kala baxaan Yemen.

Afhayeenka Isbaheysiga Major-General Turki al-Maliki ayaa soo bandhigay muuqaalo muujinaya howlgalkii militari ee la qaaday subaxnimadii Talaadada.

Waxa uu sheegay in markii ay gudaha u galeen Dekadda Mukalla ay u cadaatay in labada Markab ay sideen in ka badan 80 gaari iyo Konteenar hub iyo rasaas ah. Waxa uu intaa ku daray in dhinaca Imaaraatka Carabta ay ku wareejiyeen gaadiid, konteenaro, iyo shaqaale Imaaraati ah oo ku sugnaa saldhiga Al-Rayaan, iyadoo aan la ogeysiin Sacuudiga.

Afhayeenku waxa uu sheegay in isbahaysigu ay u hogaansameen shuruucdii ay ku wada shaqaynayeen intii ay socdeen hawlgalada ciidanku.

Imaaraatka Carabta ayaa ku dhawaaqay inay ciidamadooda kala baxayaan Yemen, iyagoo ku dhawaaqay in la soo afjaray waxa ay ugu yeereen “argagixisada” ee ay ka howlgalayeen, ka dib markii Riyadh ay ku eedeysay Abu Dhabi inay taageerto gooni u goosadka Yemen.

Ku dhawaaqista Salaasadii, ayaa timid ka dib markii dawladda caalamku aqoonsan yahay ee Yemen ay ka dalbatay Imaaraadku inay ciidamadeeda kala baxaan dalkaas 24 saac gudahood, baaqaas oo uu taageeray Sucuudiga.

Saacado ka hor, ciidamada xulafada uu Sacuudigu hoggaamiyo ayaa weerar ku qaaday dekedda magaalada Mukalla ee koonfurta Yemen, iyagoo bartilmaameedkoodu ahaa waxa ay Riyadh ku sheegtay shixnad hub ah oo lala xiriirinayo Imaaraadka oo u socday golaha gooni u goosadka koonfurta ku meel gaarka ah ee Yemen.

Jabhadda STC, oo markii hore taageertay dawladda caalamku aqoonsan yahay ee Yemen ee ka dhanka ah fallaagada Xuutiyiinta, ayaa bishan billowday weerar ka dhan ah ciidammada dawladda Sucuudigu taageerayo, iyaga oo raadinaya dawlad madaxbannaan oo ka hirgasha koonfurta.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments