Saturday, January 17, 2026
Google search engine
HomeWararXOG: Itoobiya oo waddo qorshe ay ku aqoonsaneyso Somaliland

XOG: Itoobiya oo waddo qorshe ay ku aqoonsaneyso Somaliland

Warar hoose oo aanu heleyno ayaa sheegaya in Dowladda Itoobiya ay qorsheyneyso in ay aqoonsato maamulka Somaliland oo dhawaan aqoonsi rasmi ah ka heshay maamulka ISRL.

Ilo xog ogaal oo dhanka diblomaasiyasadda ah ayaa Shabakadda NAALO u xaqiijiyay in Itoobiya ay waddo dhaq dhaqaaq siyaasadeed oo ay ku dooneyso in ay noqoto dalkii labaad oo aqoonsi rasmi ah siiya Somaliland ka dib heshiiskii Abraham ee ISRL ugu aqoosatay Somaliland Dowlad ka madax bannaan Soomaaliya inteeda kale.

Sida xogaha ay sheegayaan, Xukuumadda Adis Ababa, ayaa laga yabaa in ay maalinta berito ah ku dhawaaqdo aqoonsiga oo ku beegin labo sanno ka hor markii heshiiska MOU-da kala saxiixdeen Somaliland iyo Itoobiya 1 Janaayo 2024, kaas oo dhiagayay Bad la siiyo Itoobiya, Somaliland ku beddelato aqoonsi.

Dowladda Federaalka oo heshay xog ku saabsan dhaq-dhaqaaqan ay waddo Dowladda Itoobiya ayaa durba bilowday galaangal diblomaasiyasadeed oo ay ku dooneyso in ay ku baajiso kagana hortago damaca halista ku ah minimada iyo wadajirka Soomaaliya.

Baarlamaanka Itoobiya ayaa ka dooday heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya ee labo sanno ka hor ay wada saxiixdeen ka dib, aqoonsigii ISRL.Xildhibaanada ayaa intii uu socday fadhiga waydiiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Gedion Timothewos, iyo ku-xigeenkiisa kuwaas oo kulanka joogay inay caddeeyaan halka uu marayo heshiiskaasi iyo mowqifka Itoobiya ee Somaliland.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments