Saturday, January 17, 2026
Google search engine
HomeWararBannaanbaxyo gil gilay Mareykanka, iyagoo soo qabashada Maduro ku tilmaamay '' Afduub''

Bannaanbaxyo gil gilay Mareykanka, iyagoo soo qabashada Maduro ku tilmaamay ” Afduub”

Mudaaharaadyo ayaa ka socda guud ahaan dalka Mareykanka oo looga soo horjeedo tallaabada militari Trump ee Venezuela.

Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay bartamaha magaalada Los Angeles, kuwaas oo sitay boorar ay ku qoran yihiin “Jooji duqeynta Venezuela hadda!” iyo “Dhiig saliid ma leh” dadka ayaa sita boorar waa weyn oo ay ku qoran erayo ka dhan Trupm iyo guud ahaan Mareykanka, iyagoo leh “Dagaal ma jiro! Trump ha dhaco!”

Banaanka Aqalka Cad, ilaa 100 mudaaharaadayaal ah ayaa isugu baxay, kuwaas oo ku dhawaaqayay ‘’ Erayo ka soo horjeeda dagaalka Trump uu ku qaaday Venezuela ee uu ku soo qabtay madaxweynaha dalkaas iyo xaaskiisa. Dibad-baxayaashu waxay ugu baaqeen Aqalka Cad inuu Maduro ku celiyo Venezuela, iyagoo ku tilmaamay falkaas mid “afduub ah”.

“Waxaan ka soo horjeedaa gebi ahaanba Imperialism-ka Mareykanka, waxay rabaan saliid … Waxay rabaan inay caawiyaan bilyaneerrada shirkadaha. Ujeedki waa uun macnahooda ay ku dhisayaan awoodda sidaas oo kale, si ay ula wareegaan xukunka. Mar labaad, waan ka soo horjeedaa,” mid ka mid ah dibad-baxayaasha oo lagu magacaabo Niven ayaa yiri.

Dibadbaxe kale, William, oo ah halyeey ciidamada badda Mareykanka, ayaa yiri: “Weerarkan Venezuela wuxuu leeyahay wax walba oo la sameeyo oo isku dayaya inuu naga jeediyo [Trump] ku jira faylka Epstein iyo xaaladda murugsan ee dhaqaalaheena iyo kor u kaca kharashka daryeelka caafimaadka.”

Fagaaraha Times Square ee magaalada New York, boqolaal dad ah ayaa isugu soo baxay habeenimadii Sabtida si ay uga soo horjeestaan tallaabada Mareykanka. “Waxaan halkan u imid   afduubka Maduro iyo duqeynta, iyo la wareegidda Mareykanka ee Venezuela in ay tahay mid sharci daro,” ayay tiri Emma.

Koox yar oo ilaa 50 qof ah ayaa sidoo kale mudaaharaad ka dhigay Las Vegas.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments