Saturday, January 17, 2026
Google search engine
HomeWararDowladda Federaalka oo raadineysa xiriirka Dalalka Kenya & Itoobiya oo ka aamusan...

Dowladda Federaalka oo raadineysa xiriirka Dalalka Kenya & Itoobiya oo ka aamusan aqoonsiga Somaliland

Dowladaha Kenya iyo Itoobiya oo deris dhow la ah Soomaaliya ayaa ilaa hadda ka aamusan ama cambaareyn aqoonsigii maamulka ISRL uu siiyay maamulka Somaliland oo ah maamul isugu yeeray inuu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale, waxayna Villa Soomaaliya raadineysaa xiriirka labadaas Dowladood si ay u ogaato mowqifkooda arrintaan ku aadan.

Bayaanka ay soo saartay Madaxtooyadu wuxuu muujinayaa dalal badan oo caalamka ah iyo hay’ado waaweyn sida Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, IGAD, Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub, kuwaas oo dhammaantood muujiyay taageero midaysan oo ku aaddan qaddiyadda qaranimada Soomaaliya.

Hadda waxaa su’aal la iska weydiinayaa sababta Dalalka Itoobiya iyo Kenya oo saaxiib dhow la ah Soomaaliya,islamarkaana madaxweyne Xasan Sheekh si joogta ah safaro ugu tago dalalkaas  looga la’yahay liiska dalalka taageerada muujiyay arrintaas oo dhalisay su’aalo ku saabsan mowqifkooda ku aaddan ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya, gaar ahaan xilligan xasaasiga ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u mahadcelisay dalal u soo diray farriimo garab istaag ah, isla markaasna muujiyay taageerada ay u hayaan midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Dalalkaas waxaa ka mid ah Pakistan, Turkey iyo Boqortooyada Midowday ee UK, kuwaas oo kaalin muuqata ka qaatay taageerada siyaasadeed iyo tan diblomaasiyadeed ee Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale adkaysay in ay ka go’an tahay difaaca madaxbannaanida, wadajirka iyo midnimada dhuleed ee dalka, iyadoo uga mahadcelisay dhammaan saaxiibada caalamiga ah ee garab istaagga muujiyay, kana codsatay beesha caalamka in ay sii laba jibbaaraan taageerada ay u hayaan xasilloonida iyo qarannimada Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments