Saturday, January 17, 2026
Google search engine
HomeWararMadaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro oo la Maxkamdeynayo

Madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro oo la Maxkamdeynayo

Madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro ayaa lagu wadaa in maanta oo isniin ah la soo taago maxkamada federaalka ee Manhattan kadib markii ay dalkiisa ka soo afduubeen ciidamada Maraykanka.

Saraakiisha maamulka Trump ayaa qabsashada ku sifeeyay tallaabo sharci ah oo lagu doonayo in Maduro lagula xisaabtamo eedeymaha dambiyada ee la gudbiyay 2020-ka ee lagu eedeeyay arrimo la xiriira ka ganacsiga maadooriyaha, taas oo saameyn xooggan ku yeelatay arrimaha siyaasadda.

Sidoo kale, Trump ayaa qiray in ay jiraan arrimo kale, oo sabab u ahaa weerarka Venezuela gaar ahaan qul qulka muhaajiriinta dalkaas oo ee gaaraya Mareykanka iyo go’aankii waddanku uu ku qarameeyay danaha shidaalka Mareykanka tobanaan sano ka hor.

Maduro, oo 63 jir ah, ayaa wajahaya eedeymo ku saabsan inuu taageero siiyay kooxo waaweyn oo daroogada ka ganacsada, sida Sinaloa Cartel iyo kooxda Tren de Aragua, kuwaas oo si weyn Mareykanka iyo dunida kaleba u dooneysay.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in ay hagayaan oo ay hayaan caddeymo muujinaya waddooyinka lagu tahriibiyo kookeynta, waxa uu gabaad u yahay kooxaha tahriibinta rabshadaha iyo in uu qarashaadka madaxtooyada u isticmaalay in lagu raro daroogooyinka. Eedeymaha ayaa la cusbooneysiiyay Sabtidii, waxaana qeyb ka ah eedeyaha xaaskiisa, Cilia Flores, oo lagu eedeeyay inay amartay afduub iyo dilal.

Hogaamiyihii xilka laga tuuray ayaa beeniyay inuu wax xiriir ah la lahaa ka ganacsiga maandooriyaha. Waxay noqon kartaa dhowr bilood ka hor inta uusan maxkamad soo taagin.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments