Saturday, January 17, 2026
Google search engine
HomeWararWaa kee waddanka labaad ee Mareykanka doonayo inuu qabsado?

Waa kee waddanka labaad ee Mareykanka doonayo inuu qabsado?

Donald Trump, madaxweynaha Mareynaknak ayaa ka hadlay waddanka labaad ee ku xiga Venezuela ee ay suurtgal tahay inuu dagaal Militari ku qaado si uu u qabsado.

Mr. Trump, ayaa hoosta ka xariiqay “xulashooyin kala duwan” ama khiyaarada u furan inuu Mareykanka ku helo Greenland, kuwaas oo ay ku jirto adeegsiga ciidanka militariga, sida Aqalka Cad uu sheegay.

Aqalka Cad ayaa xoogga saaraya helitaanka Greenland oo ah gobol is-maamul kana tirsan Denmark oo ah dal xubin ka ah NATO,islamarkaana uu yahay mudnaanta koowaad ee amniga Qaranka.

Hadalkan ayaa yimid saacado kaddib markii hoggaamiyeyaasha Yurub ay soo saareen bayaan wadajir ah oo ay ku muujinayeen taageero ay si buuxda u garab istaagayaan Denmark, taasoo si adag uga soo horjeedday hammiga Trump ee ku aaddan jasiiradda jasiiradda Greenland.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa mar kale ku celiyay dhammaadka usbuuca in Maraykanku “u baahan yahay” inuu helo Greenland sababo la xiriira amniga, taasoo keentay in Ra’iisul Wasaaraha Denmark, Mette Frederiksen, ay ka digto in weerar kasta oo ka yimaada Maraykanka uu noqon doono mid soo afjari kara NATO.

“Madaxweynaha iyo kooxdiisu waxay ka wadahadlayaan xulashooyin kala duwan oo lagu gaari karo yoolkan muhiimka ah ee siyaasadda arrimaha dibadda, dabcan adeegsiga militariga Mareykanka mar walba waa ikhtiyaar u furan Taliyaha Guud.”

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments