Saturday, January 17, 2026
Google search engine
HomeWararWasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaga oo ku soo wajahan Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaga oo ku soo wajahan Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, Wang Yi, ayaa booqasho ku kala bixin doonaa doona dalalka kala ah Soomaaliya, ,Itoobiya, Tanzania, iyo Lesotho, ka dib markii casuumaad loo fidiyay laga bilaabo maanta oo ah 7-da Janaayo ilaa 12-ka.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Shiinaha ayaa arbacadii ku dhawaaqay qorshaha safarka Wasiir Wang Yi, Afrika waxay ahayd meesha ay u socdaalaan wasiirrada arrimaha dibadda ee Shiinaha muddo 36 sano oo xiriir ah.

Wang, oo sidoo kale ah xubin ka tirsan Xafiiska Siyaasadda ee Guddiga Dhexe ee Xisbiga Shuuciga ee Shiinaha, ayaa sidoo kale ka qeyb geli doona xafladda furitaanka ee Sannadka ee xirriirka Shiinaha iyo Afrika ee xarunta Ururka Midowga Afrika, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha.

Soomaaliya iyo Shiinaha waxaa ka dhaxeeya xiriir diblomaasiyasadeed oo qoto dheer, kaas oo ku saleysan ganacsi, dhaqan iyo iskaashi dibloomasiyadeed oo caalamka. Waxayna ka mid tahay Dowladaha sida aad ah u taageeray madax bannaanida iyo wadajirka Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments