Saturday, January 17, 2026
Google search engine
HomeWararXulafa Sacuudiga Al-Zbayidi u baxsaday UAE, isagoo sii maray Somaliland

Xulafa Sacuudiga Al-Zbayidi u baxsaday UAE, isagoo sii maray Somaliland

Isbaheysiga Sacuudiga hoggaamiyo ee ka dagaalama dalka Yemen, ayaa shaaca ka qaaday in hogaamiyaha Golaha ku meel gaarka ah ee Koonfurta (STC) uu u baxsaday dalka Imaaraadka Carabta, isagoo sii maray Somaliland, ka dib markii uu ka baaqsaday wada hadalo nabadeed oo lagu waday in lagu qabto magaalada Riyadh.

War qoraal ah oo ay soo saareen isbahaysigu khamiistii ayay ku sheegeen in Caydiid al-Zbayidi “uu ku baxsaday habeennimadii Arbacada” isagoo saaran markab ka soo ambabaxay magaalada Cadan ee dalka Yemen kuna sii jeeday dekedda Berbera ee Somaliland.

Al-Zubaidi ayaa la xaqiijiyay inuu raacay diyaarad isaga iyo saraakiil Imaaraadka ka tirsan, waxayna u duuleen caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. “Diyaaraddu waxay demisay nidaamkeeda aqoonsiga ee gacanka Cumaan, ka dib waxay dib u celisay 10 daqiiqo ka hor inta aysan imaan garoonka militariga ee Al Reef ee Abu Dhabi,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Ma jirin wax hadal ah oo ka soo baxay STC iyo UAE.

Haddii la xaqiijiyo, tallaabadan ayaa sii kordhin karta khilaafka u dhaxeeya Sacuudiga iyo Imaaraadka oo soo shaac baxay ka dib markii STC oo Abu Dhabi taageerto ay weerar ku qaaday ciidamada dowladda Yemen ee Riyaad ay taageerto bishii December.

STC – oo markii hore taageertay dawladda Yaman ee caalamku aqoonsan yahay ee ka soo horjeeda falaagada Xuutiyiinta ee waqooyiga Yemen – ayaa raadinaysa dawlad madaxbannaan oo ka dhacda koonfurta Yemen.

Waxay la wareegtay gobollada Hadramout iyo Mahra, oo xuduud la leh Sucuudiga, olole ay Riyaad ku tilmaantay khad cas oo lagu ilaalinayo ammaankeeda qaranka.

Xulafada uu Sacuudigu hoggaamiyo ayaa 30-kii bishii December kaga jawaabay weeraro dhanka cirka ah oo ay ku qaadeen dekeda magaalada Mukalla ee dalka Yemen, iyagoo bartilmaameedkoodu ahaa waxa ay ugu yeereen shixnad hub ah oo lala xiriirinayo Imaaraadka Carabta, waxaana ay taageereen baaq ka soo baxay dowladda Yemen oo uu caalamku aqoonsan yahay oo ahaa in ciidamada Imaaraadku ay isaga baxaan dalkaasi.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments