Saturday, January 17, 2026
Google search engine
HomeWararXog cusub oo ka soo baxeysa baaqashada safarka wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha...

Xog cusub oo ka soo baxeysa baaqashada safarka wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Shiinaha Wang Yi, ayaa ka baaqday safar taariikhi ah oo uu jimcihii shalay ku tegi lahaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, isagoo taas beddelkeeda u gudbay dalka Tansaaniya intii uu ku guda jiray socdaalkiisa waddamada Afrika.

Socdaalkan Wang Yi, ayaa noqon lahayd tii ugu horeysay ee wasiir arrimo dibadeed oo shiine ah ku tago Soomaaliya tan iyo markii ay dowladdii duntay 1991-kii, waxaana la qorsheeyay xilli xasaasi ah oo ku soo beegantay wax yar ka dib markii Israa’iil ay aqoonsatay Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madax-bannaanida ee Somaliland.

“Booqashadii wafdiga dowladda Shiinaha ee maanta (Jimcaha) ay ku imaan lahaayeen Soomaaliya waa ay dib u dhacday sababo la xiriira arrimo farsamo. Dowladda Shiinaha ayaa bayaan rasmi ah ka soo saari doonta arrintan,” ayuu yiri mas’uul ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP isagoo codsaday inaan magaciisa la sheegin.

Sidoo kale, Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya oo baaqashada Wasiirkooda ka hadashay ayaa sheegay in ay tahay arrimo farsamo oo ay si wadajir isla ogyihiin saaxiibada Shiinaha iyo Soomaaliya, dibna looga qaban qaabin doona imaanshaha Muqdisho ee Wang Yi, iyo wafdigiisa.

Wang ayaa taas beddelkeeda si toos ah ugu duulay halka xigta ee qorshihiisa socdaalka, oo ah dalka Tansaaniya, waxaana la filayay inuu kula kulmo Madaxweyne Samia Suluhu Hassan magaalada Daarusalaam.

Sidoo kale, Maamulka Somaliland oo ka hadashay baaqashada booqashada wasiirka arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa ku tilmaamay mid ku saleysan cabsi xagga amniga ah, taas oo ka careysiisay safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya kuna celisay in markale ayidsaneyn aqoonsiga Israa’iil siisay Somaliland, islamarkaana tahay Somaliland tahay qeyb ka mid ah Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments