Magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, wali waxaa ku sugan Xubnaha Guddiga Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed u xil-saaray in ay diyaariyaan qodobada ay la shir tegayaan shirka ay ay ugu yeereen madaxweyne Xasan Sheekh 20-ka bishan, kaas oo aan la ogeyn xagga Villa Soomaaliya ka fulaayo, inkastoo madaxweynaha uu aqbalay, balse goorta iyo goobta uusan sheegin.
Villa Soomaaliya, inkastoo aqbashay dalabka mucaaradka haddana ma jiro war rasmi ah oo ay ku iclaamineyso shirkaaaa goobta iyo goorta oo ka soo baxay.



