Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa Israa’iil ku eedeeyay inay qorsheynayso inay xoog ugu soo rarto dadka reer Falastiin deegaannada Somaliland oo dhawaan shaacisay in ay aqoonsiga ka heshay maamulka Yh, isagoo ku tilmaamay qorshahaas inuu yahay mid xadgudub weyn ku ah shuruucda caalamiga ah.
Wareysi uu siiyay Al Jazeera Sabtidii, Fiqi wuxuu ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu inuu ka laabto aqoonsiga diblomaasiyadeed ee “gobolka gooni-goosadka”, isagoo ku tilmaamay tallaabada lagu dhawaaqay dabayaaqadii sannadkii hore “weerar toos ah” oo ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya.
“Israa’iil waxa ay muddo dheer hiigsaneysay hadafyo iyo qorshayaal ay ku kala qeybineyso dalalka – laga yaabee in ka hor 20 sano – waxa ayna dooneysaa in ay qeybiso khariidadda Bariga Dhexe oo ay kamaamusho dalalkeeda… waana sababta ay kooxdan gooni-goosadka ah uga heleen waqooyi-galbeed Soomaaliya,” ayuu Fiqi u sheegay Al Jazeera.
“Waxaanu xaqiijinay xogta ah in Israa’iil ay waddo qorshe ay ku soo wareejinayso Falastiiniyiinta iyo in ay u soo rarto Somaliland,” ayuu raaciyay, isagoo aan faah faahin ka bixin goorta iyo qaabka.
Hadalka Fiqi ayaa ku soo aaday iyadoo caalamka oo dhan ay cambaareeyeen go’aankii Netanyahu uu bishii December ku aqoonsaday Somaliland, qeyb ka mid ah Soomaaliya oo ka go’day oo ka kooban qeybta waqooyi-galbeed ee la oran jiray maxmiyaddii British ah.
Talaabadan ayaa Israa’iil ka dhigtay dalkii ugu horeeyay ee Somaliland u aqoonsada dal madax-bannaan, waxaanay ku soo beegantay bilo ka dib markii wakaaladda wararka ee AP ay sheegtay in masuuliyiinta Israa’iil ay xiriir la sameeyeen dhinacyo ka tirsan Soomaaliya, Somaliland iyo Suudaan, si ay ugala hadlaan inay dhulkooda u adeegsadaan la soo dejiyo dadka reer Falastiin ee ay ku hayso dagaalka xasuuqa ah ee Gaza.
Soomaaliya ayaa cambaareysay tallaabada Israel, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Aljazeera u sheegay in Somaliland ay aqbashay saddex shuruudood oo kala ah: Dib u dejinta Falastiiniyiinta, in saldhig milatari laga sameeyo xeebaha gacanka Cadmeed, iyo ku biirista heshiiskii Abraham si loo caadiyeeyo xiriirka Israel.
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland ayaa beeniyay in lagu heshiiyey in Falastiin dib u dejin looga sameeyo deegaannadooda, waxayna sheegeen in aysan jirin wax wadahadal ah oo laga yeeshay saldhigga ciidamada Israa’iil ee deegaankaasi.
Wasiir Fiqi, ayaa hoosta ka xariiqay in Israa’iil ay rabto in ay dhisto saldig Milatari si ay xasillooni-daro uga abuurto gobolka iyo marinka muhiimka ah ee Bab Al-Mandeb,kaas oo isku xira gacanka cadmeed iyo Badda Cas.
Laakiin Fiqi ayaa Sabtidii ku celiyay in Israa’iil “ay rabto inay abuurto saldhig millatari si ay xasillooni darro uga abuurto gobolka” ee marinka Bab al-Mandeb, kaasoo isku xira gacanka Cadmeed iyo Badda Cas.
“Waxaan u arkaa shaqo lagu khalkhal gelinayo deegaanka,” ayuu Fiqi hadalkiisa raaciyay. Waxa uu sidoo kale carabka ku adkeeyay in Israa’iil aysan xaq u lahayn in ay sharciyad siiso gobol ka tirsan dal madax banaan.
Somaliland ayaa markii ugu horreysay ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sannadkii 1991-kii, balse waxay ku guul-darraysatay inay aqoonsi ka hesho waddan ka tirsan Qarammada Midoobay.



