Saturday, January 17, 2026
Google search engine
HomeWararAbaar-daran oo Dalka jirta & Guddoomiyaha Hay'adda SoDMA oo tegay Kismaayo

Abaar-daran oo Dalka jirta & Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo tegay Kismaayo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo, caasimadda ku-meel-gaarka ah ee Dowlad-goboleedka Jubbaland.

Wafdiga Guddoomiyaha Hayda’adda SoDMA waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Jubbaland oo isugu jira wasiiro iyo madax kale.
Inta ay joogaan Jubbaland, wafdigu waxay u kuurgali doonaan xaaladda abaareed ee ka jirta deegaanada kala duwan ee Jubbaland, iyagoo qiimeyn doona saameynta abaarta iyo sidii loo dardargelin lahaa ka-jawaabista gargaarka degdegga ah.

Socdaalka Guddoomiyaha SoDMA waxaa ku wehliya George Conway Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, ahna Isku-duwaha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya, si loo xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha qaranka iyo kuwa caalamiga ah ee ka shaqeeya ka-jawaabista masiibooyinka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments