Xaaladda amni ee magaalada Minieapolis oo laga deyrinayo, iyadoo maalinba maalinta ka dambeysa ciidamada ICE-da sii laba jibaareen ugaarsiga dadka soo galootiga ah ee sharci-darada ku jooga dalkaas.
Madaxweyne Trump, oo dhacdooyinka halista ku ah amniga ee ka dhacaya Minneapolis farageliyay ayaa tilmaamay in ay boqollaal oo ka mid ah saraakiisha federaalka loo diri doono magaalada Minneapolis, maalmo kadib geeridii haweeney uu toogtay sarkaal ka tirsan waaxda Socdaalka iyo Kastamyada Mareykanka ee magaaladaas.
Xoghayaha Amniga Gudaha Kristi Noem ayaa u sheegtay Fox News in “boqollaal kale” loo diri doono aaggas “si loogu oggolaado ICE iyo shakhsiyaadka ilaalada xudduudaha ee ka shaqaynaya Minneapolis inay si nabad ah u gutaan waajibaadkooda.”
Dibad-baxyo looga soo horjeedo sharciga socdaalka ayaa lagu qabtay magaalooyin badan oo Maraykanka ah ka kaddib markii Renee Nicole Good, oo 37 jir ah, la toogtay iyadoo ku jirta gaarigeeda Arbacadii.
Maamulka Trump ayaa sheegay in wakiilku uu u dhaqmay si is-difaac ah. Saraakiisha deegaanka ayaa ku adkeysanaya in haweeneydu aysan wax khatar ah samayn.
Noem, waxay sheegtay in saraakiishu gaari doonaan “maanta iyo berri” waxayna ka digtay in tallaabooyin la qaadi doono haddii dadku isku dayaan inay carqaladeeyaan shaqadooda.
Banbaanbaxayaal ayaa isku soo baxay Minneapolis sabtidii, kuwaas oo looga soo horjeeday ICE, sidaas oo kale dibad-baxyo la mida ayaa ka dhacay meelo ka duwan oodalka Maraykanka ah oo ay ku jiraan magaalooyinka Austin, Seattle, New York iyo Los Angeles.
Booliska Minneapolis waxay qiyaaseen in “tobanaan kun oo qof” ay ka qayb galeen banaanbaxa “ICE ha ka baxdo Minnesota” iyo banaanbixii socodka, kaasoo ka bilaabmay Powderhorn Park Sabtidii.



