Saturday, January 17, 2026
Google search engine
HomeWararDF oo ka fikireyso tallaabo ka dhan ah UAE, hadii ay diido...

DF oo ka fikireyso tallaabo ka dhan ah UAE, hadii ay diido go’aanka dalka looga ceyriyay

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay galab go’aan ka soo saaray shaqada Imaaraadka Carabta ay ka hayso Soomaaliya lana laalay dhammaan heshiisyadii difaaca iyo amniga ee lala galay.

Warar hoose oo aan helnay ayaa sheegaya in Dowladda kaliya aysan ku koobnaaneyn soo saarista go’aano, balse ay jiraan tallaabooyin la qaadayo si loo  fuliyo amarada xukuumadda ka soo baxay.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac oo faah faahin ka bixiyay go’aamka ay Dowladda soo saartay, isaga oo sheegay inay si rasmi ah u joojinayaan dhammaan heshiisyadii ay la galeen Imaaraatka carabta.

”Go’aanka soo baxay waxa uu ahaa go’aan golaha wasiirada kulan ay yeesheen kasoo baxay kaas oo ku aadan in dowladda Federaalka Soomaaliya si rasmi ah u joojinayso dhammaan heshiisyadii ay la gashay dalka iskutagga Imaaraatka Carabta. Heshiiyadaasi oo isugu jira heshiisyada lala galay maamul goboleedyada amaba ay dowladda qaybaheeda kala duwan ay la galeen ayna kamid yihiin joojinta howlaha ka socda Berbera, Boosaaso iyo Kismaayo iyo wixii la hal maala ee dowlada Imaaraatka carabta lala galay.

Wasiirka ayaa sheegay sharci ahaan dalka ay mas’uul ka tahay dowladda federaalka, heshiis kasta oo fulayana ay tahay inay iyada ogolaansho looga haysto.

”Dabcan sharciyan waxaa dalka ka masuul ah waa dowladda dhexe ee Federaalka ah, heshiis kasta oo la galayona si uu sharci u noqdo waxaa khasab ah inuu oggolaanshiyo ka haysto dowladda federaalka ah, marka heshiis kasta oo aan dowladda Federaalka oggolaanshiyo ka haysana heshiis sharci ah ma noqon karo, dalka ku dhiiradana waxa uu u bareerayaa heshiis sharci darro ah inuu doonayo dalka Soomaaliya ka fuliyo”.

Maamulada Puntland, Jubbaland iyo Somaliland oo deegaannadooda ay ka shaqeeyaan shirkado waa weyn oo laga leeyahay Imaaraadka Carabta ayaa iska diiday go’aanka ka soo baxay Dowladda. Waxayna warkooda ku sheegeen in ay iyagu xaq u leeyihiin in ay heshiis la galaan cid kasta oo ay u arkaan in ay horumarin ka wada shaqeyn karaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments