Seddex gobol oo iskood isku maamula oo ka tirsan Soomaaliya oo xiriir dhow la leh dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ku gacan seyray go’aankii dowladda dhexe ee toddobaadkan ay xiriirka ugu jartay Imaaraadka oo muddo dheer arrimaha Soomaaliya ku lug lahayd.
Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa Isniintii, buriyay dhammaan heshiisyadii ay la gashay Imaaraadka ee la xiriiray amniga iyo Difaaca, iyadoo ku eedeysay in ay wiiqeyso qaranimada Soomaaliya.
Soomaaliya ma aysan bixin faah faahin dheeri ah oo ku saabsan sababaha ay u qaaday tallaabadan, wuxuuna go’aankan oo muddo laga baaran degayay soo dedejiyay in hoggaamiye gooni u goosad ah oo ka soo baxsaday dalka Yemen si qarsoodi ah oo xadgudub ah loo soo dhexmarsiiyay Soomaaliya, waxaanna arrintaan lala xiriirinayaa Imaaraadka Carabta, taas oo si weyn uga carootay Dowladda Soomaaliya.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Imaaraatka Carabta wali kama jawaabin go’aanka Soomaaliya. Imaaraadku waxa uu taariikh iyo dano soo jireen oo gun dheer leeyahay gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas, halkaas oo ay marar badan kula loolamaan dalalka kale ee qaniga ah ee Khaliijka.
Somaliland iyo labo maamul goboleed oo kala ah Puntland iyo Jubbaland oo ku yaalo waqooyiga iyo koonfurta ayaa sheegay inaysan quseyn go’aanka Muqdisho ay xiriirka ugu jartay Imaaraadka.
“Riyada-maalmeedka Soomaaliya waxba iskama beddelaan… Imaaraadku halkan wuu joogaa, wax kasta oo maamulka taagta daran ee Muqdisho yiraahdo,” ayuu yidhi Khadar Xuseen Cabdi, Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Somaliland.
Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sheegtay in go’aanka Muqdisho uu yahay mid aan waxba ka jirin, isla markaana ay sii jiri doonaan heshiisyada amniga iyo horumarka.
Puntland ayaa sheegtay in go’aankan uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin xiriirka u dhaxeeya iyaga iyo Imaaraadka, oo ay ku jirto magaalo xeebeedka Boosaaso oo shirkad hoos timaada shirkadda DP World ee Imaaraadka ay heshiis 30 sano ah ku maamuleyso dekedda.



