Saturday, February 7, 2026
Google search engine
HomeWararAir France, KLM waxay hakiyeen duulimaadyadii ay ku tagi jireen Bariga Dhexe,...

Air France, KLM waxay hakiyeen duulimaadyadii ay ku tagi jireen Bariga Dhexe, oo ay ku jirto Dubai, Israel

Ugu yaraan laba diyaaradood oo reer Yurub ah ayaa hakiyay duulimaadyadii ay ku tagi jireen magaalooyinka Bariga Dhexe, iyadoo Air France ay sheegtay in ay si ku meel gaar ah u joojin doonto adeeggii ay u haysay Dubai, waxayna si dhow ula socon doontaa “xaaladda juqraafiyeed ee isbed-bedelaya”.

Sidoo kale, Shirkadda diyaaradaha ee Dutch-ka ee KLM ayaa joojisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay magaalooyinka Israa’iil, Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga, waxayna shaacisay in aysan soo mari doonin hawada dalal dhowr ah, oo ay ku jiraan Ciraaq iyo Iiraan, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Netherlands ee NOS.

Diyaaradda qaranka Faransiiska ee Air France ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegtay bayaan ay soo saartay Jimcihii in ay u samaynayso isbeddelladan “xaaladda hadda ka jirta Bariga Dhexe awgeed”, iyada oo intaa ku dartay “Shirkaddu waxay go’aansatay in ay si ku-meel-gaar ah u joojiso adeeggeeda Dubai”.

“Air France waxay la socotaa xaalada waqtiga dhabta ah waxayna bixin doontaa warar dheeraad ah oo ku saabsan jadwalkeeda duulimaadka,” ayay tiri diyaaradda Faransiiska.

KLM ayaa u sheegtay warbaahinta guud ee NOS Jimcihii in ay joojisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay Tel Aviv,Dubai,Dammam iyo Riyadh, islamarkaana la joojiyay maritaanka hawada Ciraaq,Iran,Israel iyo wadamo badan oo Khaliijka ku yaala.

Shirkaddu ma aysan shaacin sababta shaqadan joojiyay, waxayna sheegtay inay la xiriirtay mas’uuliyiinta Holland, sida ay sheegtay NOS.

Duulimaadyadii ugu dambeeyay ayaa ku soo beegmaya iyadoo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu Khamiistii sheegay in “quwado waa weyn” oo ah maraakiibta dagaalka ee Mareykanka oo uu ugu yeeray “armada” ay ku wajahan yihiin gobolka Khaliijka, maalmo ka dib markii ay u muuqdeen kuwo ka laabanaya hanjabaado ah in tallaabo militari oo ka dhan ah Iran ay ku hayaan dibadbaxyada ka dhanka ah dowladda.

“Waan daawaneynaa Iran,” Trump ayaa u sheegay wariyeyaasha Air Force One markii uu ka soo laabtay Madasha Dhaqaalaha Adduunka ee Davos, Switzerland.

“Waad ogtahay inaan haysano maraakiib badan oo jihadaas u socda, waaba haddii ay dhacdo… Waxaan leenahay awood weyn oo ku wajahan Iran,” ayuu yiri.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments