Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu canshuur (100%) ah ku soo rogi doono Canada, haddii Ra’iisul Wasaaraha Canada Mark Carney uu ku dhaqaaqo heshiis ganacsi oo uu Shiinaha la galayo.
Hadal qoraal ah oo lagu baahiyay barta Bulshada ee ( Truth Social), subaxnimadii Sabtida, Trump wuxuu sheegay in Carney uu “aad u qaldan yahay” haddii uu u maleynayo in Kanada ay noqon karto “Drop Off Port” oo ah goob Alaabada la soo dhoofiyo la dhigo si ay Shiinaha si ay u soo diraan alaab gudaha Mareykanka ah.
“Haddii Canada ay heshiis la gasho Shiinaha, isla markiiba waxaa lagu dhufan doonaa 100% canshuur ka dhan ah badeecadaha Kanada iyo badeecadaha soo gala Maraykanka,” Trump ayaa sidaas sheegay.
Xafiiska Carney si degdeg ah ugama jawaabin codsigii Aljazeera ee ahaa inuu faallo ka bixiyo hadalka Trump.
Wasiirka Kanada ee mas’uulka ka ah ganacsiga Kanada-Mareykanka, Dominic LeBlanc, ayaa ku sheegay Aaladda “X” ka dib Sabtidii “ma jirto wax daba-gal ah oo heshiis ganacsi xor ah oo lala yeesho Shiinaha”.
Taa bedelkeeda, wuxuu ku tilmaamay heshiis lagu dhawaaqay usbuucii hore oo u dhexeeya Ottawa iyo Beijing inuu yahay “xal ku saabsan dhowr arrimood oo muhiim ah oo Canshuurta”.
“Dowladda cusub ee Kanada waxay dhisaysaa dhaqaale xooggan oo Kanadiyaanka ah, oo leh qorshe lagu dhisayo xooggeennagudaha iyo xoojinta iskaashiga ganacsi ee adduunka oo dhan,” ayuu yiri LeBlanc.
Hanjabaadda canshuuraha ee Trump ayaa imaaneysa iyadoo ay cirka isku sii shareereyso xiisadda u dhaxeysa Canada iyo Mareykanka usbuucan ka dib markii Carney ay khudbad ka jeedisay Madasha Dhaqaalaha Adduunka ee Davos, Switzerland, taasoo si weyn loogu arkayay mid lagu canaananayo siyaasadda maamulka Trump.



