Madaxweyne Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanku uu qabsanayo Greenland si looga hortago Ruushka iyo Shiinaha inay qabsadaan dhulka ismaamulka goboleed ee Danish-ka.
Donald Trump wuxuu weriyayaasha u sheegay horraantii bishan: “Waa inaan difaacnaa Greenland. Haddii aanan sidaas samayn, Shiinaha ama Ruushka ayaa sameyn doona.”
“Ma doonayo in Shiinaha iyo Ruushku ay noqdaan deriskeena Greenland, taasina ma dhici doonto,” ayuu intaasi ku daray Mr. Trump .
Dadka badanee falanqeeyo arimahan waxay aaminsan yihiin in himilooyinka Donald Trump ee Greenland iyo hanjabaadaha uu ku adeegsanayo xoogga iyo canshuuraha si uu u gaaro hadafkan ay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ay soo dhaweynayaan.
“Waxa aan u maleynayaa in Ruushka iyo Shiinaha aysan aaminsaneyn inay helayaan fursad sidan u weyn,” ayay tiri Maria Martischeut, falanqeeye ka tirsan Xarunta Siyaasadda Yurub.
Iyadoo tixraaceysa jasiiradda ay Beijing u aragto gobolka ka go’aya oo ay aaminsan tahay inuu ugu dambeyn hoos yimaado gacanteeda, ayey wax ay intaas ku dartay, “Waxay dan u tahay in Yurub, iyo sidoo kale NATO, oo ahaanaya isbahaysi, lagu kala qaybsamo oo saaxiibkeeda ugu awoodda badanna uu hanjabayao. Xaaladdan waxay gabi ahaanba dan u tahay Ruushka iyo Shiinaha labadaba, maadaama ay suurtogal ka dhigeyso in la ansixiyo ficilada Ruushka ee Ukraine iyo hamiga Shiinaha ee Taiwan.”
Qoraal lagu daabacay shabakadda bulshada ee X, madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub,Kaya Kalas ayaa tiri: “Ruushka iyo Shiinaha waa ay ku faraxsanyihiin. Iyagu waa kuwa ka faa’iidaya kala qeybsanaanta ka dhex jirta xulafada.”
Laakiin xaqiiqadu waxay noqon kartaa mid yara adag. Khubarada BBC, oo uu ku jiro Tony Hahn, ayaa baaraya waxa ay Ruushka iyo Shiinaha dhab ahaantii ka aaminsan yihiin khilaafka Donald Trump kala dhaxeeya Yurub ee ku saabsan Greenland.



