Friday, February 6, 2026
Google search engine
HomeWararKiisas nafaqo-daro & Cudur halis oo laga hortegi karo ayaa ka dhashay...

Kiisas nafaqo-daro & Cudur halis oo laga hortegi karo ayaa ka dhashay Abaarta jirta

Soomaaliya waxay wajahaysaa xaalad degdeg ah oo caafimaad iyo nafaqo oo sii xumaanaysa iyadoo xilliyo is xig-xiga Roobabkii la filayay si fiican u da’in, qiimaha biyaha oo kor u kacaya iyo dhimista gargaarka bani’aadamnimada ay horseedayso kor u kaca nafaqo-xumada iyo faafitaanka cudurrada laga hortagi karo, sida ay ka digtay Dhakhaatiirta nan Xuduudda Lahayn ee MSF.

Ururka ayaa horaanta toddobaadkii hore sheegay in kooxihiisa Soomaaliya ay la kulmeen “isbeddel walaac leh” oo ah tirada sii kordheysa ee carruurta soo gaaraysa xeryaha buux-dhaafka ah ee qaba nafaqo-xumada daran ama jadeecada, (diphtheria) iyo shuban biyoodka daran, kuwaas oo ah cudurro laga hortagi karo.

“Waxaan aragnaa carruur ku soo gaaraya isbitaalladeenna iyagoo xaalad halis ah ku jira, ka dib markay maalmo safar ah ku soo jiraan, iyagoon haysan cunto ama biyo,” ayay tiri Allara Ali, oo ah isuduwaha mashaariicda MSF ee Soomaaliya.

Dowladda dalka ku yaalo Bariga Afrika, ayaa ku dhawaaqday xaalad degdeg ah oo abaareed bishii Nofeembar, laakiin hay’adaha gargaarka ayaa sheegay in jawaabtii ku habooneyn ee laga bixin lahaa abaarta ay dib u dhacday, taas oo sabab u ah  maalgelinta oo hoos ugu dhacday heerkii ugu hooseeyay muddo toban sano ah.

“Abaartu ma aha oo kaliya in ay gureyn/qallajisay ceelasha, laakiin sidoo kale, waxay saameyn aan wanaagsaneyn ku yeesheen nidaamyada taageerada ee qoysasku ay ku tiirsan yihiin,” ayey tiri Cali.

Dadka u nugul cimilada

Soomaaliya oo ka mid ah dalalka ugu nugul cimilada adduunka, waxay la kulantay abaaro iyo daadad soo noqnoqda.

Ka dib afar xilli oo roobaad oo isdaba joog ah oo aan si wanaagsan u di’in, qiimeyn ay samaysay Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in 4.4 milyan oo qof ay la kulmi karaan cunto yaraan halis ah ama mid ka sii daran dhammaadka 2025, oo ay ku jiraan 1.85 milyan oo carruur ah oo ka yar shan sano oo halis ugu jira nafaqo-darro ba’an.

In ka badan 3.3 milyan oo qof ayaa lagu qasbay inay ka baxaan guryahooda, qaar badan ayaa ku soo ururay xeryaha Baydhabo ee koonfur-galbeed iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Iyadoo baahidu ay sii korortay, haddana gargaarka ayaa yaraaday. Tan iyo horraantii 2025, in ka badan 200 oo xarumo caafimaad iyo nafaqo ah ayaa xirmay guud ahaan dalka halka gargaarka cuntadu uu hoos uga dhacay 1.1 milyan oo qof bishii ilaa 350,000.

Magaalada Baydhabo, MSF waxay diiwaan gelisay koror dhan 48 boqolkiiba ah tirada dadka xaalad nafaqo-daro loo dhigayo cisbitaalada bishii Oktoobar marka la barbar dhigo bishii hore.

Isla muddadaas, 189 carruur ah ayaa laga daweeyay cudurka jadeecada, 95 boqolkiiba oo ka mid ah carruurtaas waligood lama tallaalin, sida ay sheegtay hay’addu.

Gobolka Mudug, dadka la dhigayo xarumaha quudinta daaweynta ee bukaan-jiifka ayaa kor u kacay 35 boqolkiiba.

Qiimaha Biyaha oo sii kordhaya

Xeryaha barakacayaasha, halkaas oo biyaha iyo nadaafaddu ay yar yihiin, ayaa noqday meelaha ugu daran ee cudurku ku faafo.

Qiimaha biyuhu wuxuu kor u kacay oo aan la gaari karin qoysas badan iyadoo fuusto 200-litir ah (53-gallon) ah lagu iibinayo $2.50 ilaa $4 Baydhabo iyo Mudug.

“Ma awoodi karno biyaha,” ayay tiri Kaltuma Kerow, oo ah hooyo 35 jir ah oo ku nool xero barakacayaal ah oo ku taal Baydhabo. “Aad ayey noogu yar yihiin cuntada iyo biyaha, waxaana khatar ugu jirnaa cudurrada sida daacuunka.”

Waxay raacisay: “Gaajo iyo la’aanta biyo nadiif ah ayaa wax walba ka sii daraya.”

Gaalkacyo, oo ah caasimadda gobolka Mudug, Rahma Maxamed Ibraahim ayaa sheegtay in noloshu ay “aad ugu adkeyd” qoyskeeda toddobadii sano ee la soo dhaafay maadaama ay si isdaba joog ah u barakiciyeen daadad, colaado iyo abaaro.

“Waxaan haynaa siddeed carruur ah, badankooduna waa nafaqo darro,” ayay tiri.

Helitaanka biyo nadiif ah waa wax ka baxsan awoodda qoyskeeda, taasoo keentay xanuun carruurteeda.

“Waxaan bixinnaa $4 halkii taangi biyo ah ama 25 senti halkii jiirgaan biyo milix leh,” ayay tiri. “Carruurtaydu way cabbaan oo shuban bay qaadaan.”

Iyadoo ka jawaabaysa yaraanta ba’an, MSF waxay billowday biyo-dhaamin degdeg ah oo laga sameeyay Baydhabo bishii Diseembar, iyadoo in ka badan 6 milyan oo litir (1.6 milyan oo gallon) oo biyo la cabbo ah geysay 17 goobood bartamihii Janaayo waxayna ku rakibtay haaman biyaha keydiya iyo sameystam qoraxda ku shaqeeya.

Xaaladda “aan la aqbali karin”

shaqaalaha gargaarka ayaa sheegay in tallaabooyinka noocaas ahi ay si dhib yar u dhimayaan baaxadda dhibaatada, gaar ahaan xilliga jiilaalka ee adag.

“Xaaladdan waa mid aan la aqbali karin sababtoo ah waa wax la saadaalin karo oo haddana inta badan laga hortagi karo,” ayuu yiri Elshafie Mohamed, wakiilka MSF ee Soomaaliya.

“Tallaabooyinka bini-aadanimo ee hadda la qaadayo waxay malaayiin qof ka dhigaysaa inay helaan daryeel caafimaad oo aasaasi ah, cunto ama biyo.”

MSF waxay ku boorinaysaa deeq-bixiyeyaasha iyo mas’uuliyiinta inay si degdeg ah u kordhiyaan barnaamijyada nafaqeynta, ololaha tallaalka iyo adeegyada biyaha iyagoo sidoo kale maalgelinaya kaabayaasha biyaha ee u adkaysta cimilada iyo taageerada joogtada ah ee  loogu talagalay daryeelka caafimaadka ee lagama maarmaanka ah.

Hay’addu waxay ka digtay in haddii aan la helin jawaab isku-dhafan oo dhinacyo badan leh, dhimashada ka dhalata sababaha laga hortagi karo ay sii kordhi doonto bilaha soo socda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments