Wariye u shaqeynayay telefishanka Al-Manar ah oo ka mid ah warbaahinta maxaliga ah ee ka howlgalla dalka Lubnaan ayaa lagu dilay weerar Israa’iil ay ku qaaday magaalada Tyre ee koonfurta Lubnaan, sida ay sheegtay kooxda hubaysan ee Lubnaan ee Hezbollah.
Dilka weriye Ali Nour al-Din oo Isniintii la dilay una shaqeynayay Telefishinka Al-Manar oo xiriir la leh Xisbullah, ayaa muujinaya “khatarta sii kordheysa ee Israa’iil ay ku hayso warbaahinta iyo wariyeyaasha” sida ay Hezbollah ku sheegtay bayaan ay soo saartay.
Telefishinka Al-Manar ayaa xaqiijiyay in weerarkii ka dhacay Tire lagu khaarijiyay al-Din, “oo hore uga soo noqday daaci, isagoo soo jeedinayay barnaamijyo diimeed”.
Al-Din sidoo kale wuxuu ahaa daaci muhiim u ahaa Al-Hawsh, oo ku taal xaafadaha Tyre, ayey tiri Hezbollah, isagoo dilkiisa ku tilmaamtay “dil khiyaano ah”.
Wasiirka Warfaafinta ee Lubnaan Paul Morcos ayaa cambaareeyay weerarka Israa’iil, isagoo baraha bulshada ku sheegay in weerarrada noocaas ah “aysan badbaadineyn shaqaalaha saxaafadda iyo kuwa warbaahinta”.
“Waxaan tacsi u dirayaa qoyska warbaahinta, waxaanan ugu baaqaynaa bulshada caalamka inay si buuxda u qaataan mas’uuliyadahooda oo ay qaadaan tallaabo degdeg ah si loo joojiyo xadgudubyadan lana hubiyo ilaalinta xirfadlayaasha warbaahinta ee Lubnaan,” ayuu yiri wasiirku.
Kahor dilkii al-Din Isniintii, ugu yaraan lix suxufi oo Lubnaani ah ayaa lagu dilay weeraradii Israa’iil ay ku qaadday Lubnaan tan iyo 2023, sida lagu sheegay tirakoob ay soo saartay Guddiga Ilaalinta Suxufiyiinta. Kormeerayaal kale ayaa tirada dhimashada saxafiyiinta Lubnaan ku sheegay 10.



