Magaalada Muqdisho maanta waxay martigelineysaa kulanka wadajirka ee Baarlamaanka Labada Aqal, kaas oo ka dhacay xaruntooda Villa Hargeysa.
Doodda kulanka maanta waxay daaran tahay Cutubyada 5-aad illaa 9-aad ee wax-ka-beddelka Dastuurka Federaalka.
Kulankan oo ay yeelanayaan Xildhibaanada Baarlamaanka 11-aad ayaa wajahaya walaac iyo cabsi xooggan, kaddib markii xildhibaano badan ay muujiyeen diidmo ku aaddan wax-ka-beddelka lagu sameynayo dastuurka, taas oo keentay in laga baqo gacan ka hadal iyo buuq ka dhasha fadhiga maanta.
Xildhibaano ka tirsan labada aqal ayaa la sheegay inay diyaariyeen mooshino culus oo ka dhan ah hannaanka wax-ka-beddelka, waxaana jira cabsi laga qabo in kulanka uu ku billowdo diidmo iyo muran xooggan.
Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa hore u soo saaray ajandaha shirka, kaas oo ay xildhibaanadu kaga doodi doonaan qodobbada la xiriira dastuurka.
Arrintan ayaa ku soo aadeysa xilli khilaaf xooggan uu ka dhex taagan yahay guddiga la socodka wax-ka-beddelka dastuurka.
Ajandaha kulanka maanta ayaa waxaa ka mid ah:
Warbixinta Guddiga Madaxa Banaan ee Dastuurka ee ku saabsan Cutubyada 5-aad illaa 9-aad ee soo-jeedinta wax-ka-beddelka.
Qaybinta nuqulada wax-ka-beddelka dastuurka ee cutubyadaas.
Dhanka kale, Baarlamaanka 11-aad oo maanta ku eg fadhigiisa 28-aad ayaa la filayaa in loo kordhiyo muddo hal bil ah, kaddib codsi la filayo in uu soo bandhigo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Xalay ayaa waxaa Muqdisho ka dhaceen kulamo gaar ah oo lagu doonayay in lagu qanciyo xildhibaanada diidan wax-ka-beddelka dastuurka, si looga fogaado qalalaase iyo khilaaf ka dhasha kulanka maanta.
Kulankan ayaa la rumeysan yahay inuu yahay mid go’aanno waaweyn laga gaari doono, isla markaana saameyn weyn ku yeelan doona jihada siyaasadeed ee dalka, maadaama wax-ka-beddelka dastuurku yahay arrin xasaasi ah oo si dhow loola socdo.



