Wasaaradda arrimaha dibadda ee Koonfur Afrika ayaa ku dhawaaqday in ay ceyriysay ergaygii Israa’iil ee dalkaas, iyagoo ku eedeysay sarkaalka Israa’iil inuu ku kacay “xadgudubyo aan la aqbali karin oo ka dhan ah xeerarka diblomaasiyadeed” kuwaas oo caqabad ku ah madaxbannaanida Koonfur Afrika.
Wasaaradda Xiriirka Caalamiga ah iyo Iskaashiga Koonfur Afrika, ayaa Jimcihii sheegtay inay siinayso Ariel Seidmanl, 72 saacadood inuu kaga baxo Koonfur Afrika ka dib markii lagu dhawaaqay inaan looga baahney dalka ( persona non grata)
Dowladda Koonfur Afrika, ayaa ku eedeysay Mr. Seidman inuu “weeraro aflagaado ah oo uu baraha bulshada u mariyay madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa iyo sidoo kale “arrimo xadgudub ku ah dalka oo uu la wadaay dad ajaaniib ah oo soo booqday Koonfur Afrika iyo mas’uuliyiin Israa’iil u dhashay oo si qarsoodi ah ku galay dalkaas.
“Ficillada noocan oo kale ah waxay xadgudub weyn ku yihiin mudnaanta diblomaasiyadeed iyo jebinta aasaasiga ah ee Axdiga Vienna. Waxay si nidaamsan u wiiqeen kalsoonida iyo hab-raacyada lagama maarmaanka u ah xiriirka labada dhinac,” ayay wasaaraddu ku tiri bayaan ay soo saartay.
“Waxaan ku boorrineynaa Dowladda Israa’iil inay hubiso in dhaqankeeda diblomaasiyadeed ee mustaqbalka uu muujiyo ixtiraamka Jamhuuriyadda iyo mabaadi’da la aasaasay ee ka-qaybgalka caalamiga ah.”
“Tallaabo dheeraad ah ayaa la tixgelin doonaa waqtiga ku habboon,” ayay wasaaradda Israa’iil ku sheegtay bayaan ay ku faafisay baraha bulshada.



