Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa fuliyay hawlgal bartilmaameed ah oo guul leh, ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay agagaarka deegaanka Warmaxan ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Hawlgalkaasi oo dhacay 6-dii Feberaayo waxaa lagu dilay laba ka mid ah maleeshiyaadka khawaarijta ah Al-Shabaab, halka laba kale oo ka tirsan Al-Shabaabna la qabtay.
Sidoo kale, hawlgalka waxa lagu burburiyay bar-kontarool oo Al-Shabaab lahaayeen, waxaana la gacanta lagu dhigay walxaha qarxa ah oo ay maleeshiyaadku qorsheynayeen inay u adeegsadaan cabsi gelinta iyo waxyeellaynta shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.



