Wednesday, March 4, 2026
Google search engine
HomeWararBaarlamaanka oo Kulan xasaasi ah ku leh Muqdisho

Baarlamaanka oo Kulan xasaasi ah ku leh Muqdisho

Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta mar kale lagu wadaa inay sii wadaan doodda la xiriirta wax-ka-beddel lagu sameeyay cutub cusub oo ka mid ah Dastuurka KMG ah, arrintaas oo muran xooggan iyo khilaaf siyaasadeed ka dhalisay gudaha golaha.

Waxaa jirta cabsi ballaaran oo laga qabo in kulanka maanta uu isu beddelo fowdo iyo gacan ka hadal, maadaama xildhibaannada mucaaradka ay weli si adag uga soo horjeedaan wax-ka-beddelka Dastuurka, isla markaana ay dalbanayaan in la xiro fadhiyada Baarlamaanka ilaa xal sharci ah laga gaaro khilaafka taagan.

Guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xildhibaano badan laga xanibay dhowrkii kulan ee u dambeeyay, kadib markii ay ku kaceen falal lagu tilmaamay khalalaase iyo fowdo intii ay socdeen kulamadii hore. Sida ay guddoonku sheegeen, tallaabadan ayaa lagu ilaalinayaa nidaamka iyo habsami u socodka shaqada Baarlamaanka.

Liiska magacyada xildhibaanada la xanibay ayaa la dhigay baraha kantaroolka ee Madaxtooyada, halka warbaahinno qaarkoodna laga mamnuucay inay goob joog ka noqdaan kulamada, sababo la xiriira baahinta tooska ah ee wixii ka dhacayay Xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho.

Dhanka kale, xildhibaano ka tirsan mucaaradka oo xalay shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa si cad u qaadacay go’aanka guddoonka Baarlamaanka, iyaga oo ku tilmaamay mid aan sharci ahayn. Xildhibaanadan ayaa sheegay inaysan u hoggaansami doonin xanibaadda, isla markaana ay maanta tegi doonaan xarunta Golaha Shacabka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments