Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa heshiis iskaashi ciidan la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sucuudiga, Sumuwal Amiir Khaalid Bin Salmaan, Wasiirka Gaashaandhigga Sucuudiga.
Heshiiskan waxa uu sii xoojinayaa iskaashiga dhinacyada difaaca iyo milateriga ee labada dal, isla markaana waxa uu daboolayaa dhinacyo kala duwan oo ay labada dal si wadajir ah u danaynayaan.




