Wafdi hordhac u ah madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa maanta oo tallaado ah ku soo wajahan magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu wado inuu ka furmo shirka wadatashiga Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.
Diyaarado sida ilaalo xooggan oo ka socda Jubbaland iyo Puntland ayaa ka soo degaya Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waliba ciidamo & hub ka badan kuwii hore ee Dowladda Federaalka u diidday.
Axmed Madoobe iyo Siciid Deni ayaa qudhooda la sugayaa gelinka dambe ee maanta in ay soo gaaraan Muqdisho, waxaana shirka Muqdisho ka furmaya ka hor jimcaha diiradda lagu saarayaa arrimaha doorashooyinka, waana shirkii koowaad ay isku hor-fariistaan Saciid Deni iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Golaha Mustaqbalka iyo Villa Somalia ma qabaan kalsooni ah in ay ku heshiin karaan shirkan, xili 15ka bishan ay xoguhu sheegayaan in madaxweyne Xassan Sheikh ay u qorsheysan tahay in uu u safro Addis Ababa.