Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u billowday dadaallo ballaaran oo lagu dhisayo laguna tayeynayo Ciidanka Badda Soomaaliyeed, iyadoo dowladda Turkey ay qaadanayso doorka ugu weyn ee tababarka iyo taageerada farsamo ee ciidamadaas.
Qalabkii ugu horreeyay ee loogu talagalay tababarka Ciidanka Badda ayaa dhawaan la keenay magaalada Muqdisho, taasoo astaan u ah bilowga qorshe istiraatiiji ah oo lagu xoojinayo awoodda badeed ee dalka. Maanta ayaa magaalada Muqdisho soo gaaray Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Badda Turkey, Admiral Mustafa Kaya, kaas oo kulamo la yeeshay Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliyeed iyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Difaaca Soomaaliya.
Kulamadaasi ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta tababarka, iskaashiga farsamo, iyo kor u qaadista awoodda difaac ee badda, si ay Soomaaliya u yeelato ciidan badeed oo awood u leh ilaalinta biyaha dalka iyo la-dagaallanka khataraha amni ee badda.
Dhanka kale, wararka ayaa sheegaya in Boqortooyada Sucuudiga, kaddib kulan ay la yeelatay saraakiisha amniga Soomaaliya, ay ka dalbatay Dowladda Federaalka in ay si rasmi ah u caddeyso baahiyaha ay ka doonayso Riyadh. Dowladda Soomaaliya ayaa gudbisay laba codsi oo muhiim ah.
Wararka ayaa intaas ku daraya in dowladda Sucuudiga ay diyaar u tahay inay Soomaaliya ku wareejiso maraakiib ay hore u adeegsan jireen Ciidankooda Badda, kuwaas oo hadda ka baxaya isticmaalka maadaama lagu beddelay qalab casri ah oo noocii ugu dambeeyay ah.
Maraakiibtan ayaa la filayaa inay door weyn ka qaataan sugidda ammaanka xeebaha Soomaaliya, la-dagaallanka burcad-badeedda, tahriibta, iyo khataraha kale ee amni ee ka jira badda.



