Wednesday, March 4, 2026
Google search engine
HomeWararSoomaaliya oo ka mid ah noqotay dalalka ugu masuq-maasuqa baddan adduunka

Soomaaliya oo ka mid ah noqotay dalalka ugu masuq-maasuqa baddan adduunka

Soomaaliya ayaa kaalinta ugu hooseysa ka gashay heerka kala sarreynta tusmada musuqmaasuqa dunida, sida lagu sheegay warbixin cusub oo ay soo saartay hay’adda Transparency International.

Warbixintan oo sannad walba la daabaco ayaa tibaaxday in toban ka tirsan 49 dal oo gobolka ku yaal ay si weyn hoos uga dhaceen heerkii ay joogeen 2012, iyadoo todobo waddan oo qura ay soo hagaageen xilligaas, taas oo muujineysa in dadaallada lagu hufayo hannaanka dowlad wanaaggu uusan sidii la filayey u mirodhaleyn.

Transparency International waxay walaac ka muujinaysaa in musuqmaasuqa ku jira maareynta hantida dadweynaha uu ka tarjumayo maqnaanshaha anshaxa siyaasadeed ee hoggaamiyeyaasha, islamarkaana uu caqabad ku noqday awoodda dadweynaha ee helidda adeegyada aasaasiga ah, taas oo saameysa nolosha maalinlaha ah — iyadoo dadka ugu nugul ay yihiin kuwa ugu daran ee ay waxyeelladu ku dhacdo.

Warbixintu waxay sheegtay in si loo hagaajiyo nolosha dadka, dowladaha gobolka looga baahan yahay in ay mudnaanta siiyaan tallaabooyin wax ku ool ah oo lagula dagaallamayo musuqmaasuqa, laguna xoojinayo dimuqraadiyadda.

Farqiyada ka jira nidaamyada iyo qaab-dhismeedyada la-dagaallanka musuqmaasuqa ayaa sii hurinaya ku takri-falka hantida dadweynaha ee Afrikada ka hooseysa Saxaraha.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments