Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la filayaa inuu kulankii ugu horeeyay la qaato Golaha Mustaqbalka oo ay ku jiraan madaxda Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta ee Mucaaradka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wuxuu booqan doonaa xarunta Xalane oo ay degan yihiin qaar ka mid ah madaxda madaxda Golaha Mustaqbalka, halkaas oo kulanka labada dhinac uu ka dhici doono.
Lama oga waxaa ka soo bixi doona kulanka maanta oo looga hadli doono arrimo ay ka mid yihiin shirka madaxda Dowldda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka, iyo caqabadaha hortaagan qabsoomidiisa.
Madaxda Dowadda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka waxay weli isku fahmi la’ yihiin goobta uu ka dhacayo shirka, Golaha Mustaqbalka waxay doonayaan in uu ka dhaco gudaha xarunta Xalane, halka Dowladda Federaalka ay rabto shirkaasi uu ka dhaco xarunta madaxtooyada.



