Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta la isugu yeeray kulan deg deg ah, kaas oo ka soo horumaray kulankii caadiga ahaa ee toddobaad-laha.
Wasiirada ayaa loo diray fariimo loogu sheegayo in ay shir isugu yimaadaan xafiiska Ra’iisul wasaaraha 2:00 galanimo, lama oga waxyaabaha shirka soo dedejiyay ama looga hadlayo, balse warar hoose oo aan heleyno ayaa tilmaamaya in lagu gaarayo go’aano waa weyn ama isbeddelo soo socdo.
Xaalad siysaadeed oo cakiran ayaa iminka taagan, waxaanna isbiirsaday heerka kulka siysaadeed ee gudaha iyo arrimaha xiriirka caalamiga ah ee dalka oo qasan, waxayna madaxda ugu sareysa dalka ku fekerayaan in ay qaadaan tallaabooyinka waa weyn oo isbeddel ku sameynaya xaaladaha adag ee taagan.
Warar aan la hubin, ayaa tibaaxaya in jiro isbeddel lagu sameynayo xukuumadda oo wasiirada qaar oo xiriir dhow la leh Villa Soomaaliya xilalka weynayaan. sidoo kale, waxaa liiska golaha wasiirada ka soo muuqan doona xubno markii hore bannaan joog ahaa oo aragtidooda siyaasadeed beddelay.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka muuqda inuu jiro jahwareer siyaasadeed, taas oo sababtay inuu toos faraha u galo shaqada xukuumadda iyo arrimaha taagan.



