Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa si weyn uga hadlay horumarada ka socda dalalka Soomaaliya iyo Yemen kadib markii uu khadka telefoonka kula hadlay dhaxal sugaha Sacuudiga.
Sidoo kale, Mr. Erdogan ayaa Axaddii sheegay I Turkiga si dhow ula socoto xaalka labadaas dalka oo hadda maraya marxalado xasaasi ah oo dhinacyo badan taabaha.
Waxaa uu Erdogan dhanka kale ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay xasiloonida ilaalinta midnimada dhuleed ee labada dal.
Sida laga soo xigtay Agaasimaha Isgaarsiinta ee Turkiga, intii wada hadalku socday, Erdogan iyo madaxda Soomaaliya, waxay ka wada hadleen xiriirka laba geesoodka ah iyo arrimaha gobolka iyo caalamka.
Erdogan wuxuu sheegay in Türkiye ay diyaar u tahay inay gacan ka geysato dadaallada la isugu keenayo dhinacyada is haya ee Soomaaliya.
Wuxuu sidoo kale sheegay, in Ankara ay hiigsaneyso inay xoojiso iskaashiga u dhexeeya Türkiga iyo Sacuudi Carabiya, iyadoo la qaadayo tallaabooyin dheeraad ah maalmaha soo socda.
Isagoo ka digaya in xaaladda bini’aadantinimo ee Soomaaliya ay sii xumaaneyso marka la gaaro xilligan oo kale, Erdogan wuxuu intaas ku daray in Türkiga uu sii wadi doono ka shaqeynta horumarka Soomaaliya oo gacan siintiisa.



