Saturday, January 17, 2026
Google search engine
HomeWararFadeexad ka taagan Soomaaliya & Keydkii gargaarka ee WFP oo la jabsaday

Fadeexad ka taagan Soomaaliya & Keydkii gargaarka ee WFP oo la jabsaday

Waxaa si weyn maanta Soomaaliya loo hadal hayaa in la dhacay lana bur-buriyay gar gaar cunto oo loogu talagalay dadka Danyarta ah, keydka cunta ee la masuq-maasuqay ayaa waxaa la sheegay in lagu iibinayo Suuqyada Dalka.

Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in falkan ay ku lug leeyihiin mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo aan la magacaabin ama la sheegin heerka xilalkooda.

Bakhaarka Keydka ah ee la bur buriyay waxaa yaalay 76-Tan oo cunto gargaar loogu talogalay dadka abaaraha halkeeyeen oo ay gacanta ku haysay WFP, ayna iibisay dawladda Mareykanka ayaa ladhacay.

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka waxay hakisay dhammaan barnaamijyada caawinta ee Maraykanka ee ka socday Soomaaliya. mana jiro wax war ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka oo ku aaddan dhacdadan foosha xun.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments