Saturday, January 17, 2026
Google search engine
HomeWararXubnaha Guddiga Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo Go'aanka Villa Somalia

Xubnaha Guddiga Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo Go’aanka Villa Somalia

Magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, wali waxaa ku sugan Xubnaha Guddiga Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed u xil-saaray in ay diyaariyaan qodobada ay la shir tegayaan shirka ay ay ugu yeereen madaxweyne Xasan Sheekh 20-ka bishan, kaas oo aan la ogeyn xagga Villa Soomaaliya ka fulaayo, inkastoo madaxweynaha uu aqbalay, balse goorta iyo goobta uusan sheegin.

10-maalmood kaliya, ayaa ka harsan balanta ay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyees u qabtaan MD Xasan sheekh, waxayna hadda shirsan yihiin in ay qorshe kale oo ay kaga tashanayaan aayahah Dalka haddii Villa Soomaaliya soo fariisan weydo miiska wada-hadalka.
Waxayna Guddiga go’aan ka gaarayaan nooc Doorasho oo la isla ogol yahay oo uu dalka aadi karo.

Villa Soomaaliya, inkastoo aqbashay dalabka mucaaradka haddana ma jiro war rasmi ah oo ay ku iclaamineyso shirkaaaa goobta iyo goorta oo ka soo baxay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments