Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi, oo ka baaqday safar uu ku imaan lahaa Muqdisho toddobaadkii hore ayaa sheegay in ay xukuumadda Beejiin sii wadeyso taageerada Soomaaliya si loo ilaaliyo madax-bannaandeeda iyo midnimada dhuleed.
Wasiir Wang Yi, ayaa hadalkan ka sheegay ka dib khadka taleefanka uu shalay kula hadlay dhiggiisa Soomaaliya, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay wasaaradda Shiinaha.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha ayaa wada hadalka taleefanka ah la yeeshay dhiggiisa Soomaaliya intii uu ku guda jiray booqashadiisa Afrika, isagoo sheegay in Shiinuhu ka soo horjeedo “isbahaysiga Somaliland ay la leedahay maamulka Taiwan si ay madax-bannaani u raadsato”.
Soomaaliya ayaa qorshuhu ahaa inay qayb ka noqoto booqashada sanadlaha ah ee sannadka cusub ee diblomaasiga Shiinaha uu ku marayo Afrika, taas oo sidoo kale ay ku jiraan dalalka Itoobiya, Tansaaniya iyo Lesotho, balse booqashadaas ayaa dib loo dhigay sababo la xiriira waxa safaaradda Shiinaha ay ku sheegtay “isbeddel ku yimid jadwalka”.
Wang Yi ayaa baajiyay booqasho taariikhi ah oo uu Jimcihii ku tegi lahaa Soomaaliya, isagoo taa beddelkeeda si toos ah ugu gudbay dalka Tansaaniya intii uu ku guda jiray socdaalkiisa waddamada Afrika.
Booqashadan ayaa noqon lahayd tii ugu horreysay ee wasiir arrimo dibadeed oo Shiine ah uu ku tago Soomaaliya tan iyo markii ay dowladdii duntay 1991-kii, waxaana la qorsheeyay xilli xasaasi ah oo ku soo beegantay wax yar ka dib markii Israa’iil ay aqoonsatay Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madax-bannaanida ee Somaliland.



