Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo, caasimadda ku-meel-gaarka ah ee Dowlad-goboleedka Jubbaland.
Socdaalka Guddoomiyaha SoDMA waxaa ku wehliya George Conway Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, ahna Isku-duwaha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya, si loo xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha qaranka iyo kuwa caalamiga ah ee ka shaqeeya ka-jawaabista masiibooyinka.




