Maamulka Puntland ayaa si adag kaga horyimid go’aankii shalay ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddanaa in la buriyay heshiisyadii lala galay Imaaraadka Craabta.
Heshiisyada Imaaraadka ee la baabi’iyay waxay si toos ah u taabanayaan maamulada Puntland, Jubbaland iyo Somaliland oo Dekadahooda ganacsiga ay gacanta ku hayaan Imaaraadka Carabta.
Puntland ayaa gabi ahaanba diiday go’aankaas fulintiisa.




