Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Itoobiya Ridwan Hussain ayaa goordhow soo gaaray magaalada Muqdisho, isagoo ka soo degay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
Xogta Safarka Taliyaha Sirdoonka Itoobiya oo la qariyay ayaa haddana warar hoose oo aan helnay waxay sheegayaan in muddada uu Muqdisho joogo inuu la kulmi doono madaxda sare ee Dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Taliyaha Mahad Salaad ayay kulmi doonaan Ridwan Hussein, iyagoo ka wada hadli doona xaallada gobolka, isbeddelada siyaasadeed ee socda iyo in ay Itoobiya caddeyso mowqifkeeda Aqoonsiga Somaliland ka heshay ISRL.
Itoobiya ayaa wali si rasmi ah u caddeyn go’aanka ay ka qabto aqoonsi beenaadka ISRL siisay Somalind, waxaana jira warar sheegaya in xukuumadda Adis Ababa dhankeeda qorsheyneyso tallaabo noocaasi ah.