Saturday, January 17, 2026
Google search engine
HomeWararIran ayaa dib u furtay hawadeeda

Iran ayaa dib u furtay hawadeeda

Iran ayaa dib u furtay hawadeeda ka dib muddo ku dhow shan saacadood oo ay xirneyd, taasoo loo soo rogay walaac laga qabo in la qaado tallaabo milateri, waxayna xirnaashahaas hakad gelisay duulimaadyadii gobolka.

Sida lagu sheegay ogeysiis lagu daabacay website-ka maamulka Duulimaadyada Federaalka Mareykanka, ayaa lagu sheegay ‘’ Wadanku wuxuu hawadiisa ka xirtay dhammaan duulimaadyada marka laga reebo kuwa caalamiga ah iyo bixinta ogolaashaha rasmiga ah abaaro 22:15 GMT ee Arbacadii shalay.

Xayiraadda ayaa la qaaday wax yar ka hor 03:00 GMT ee manata oo Khamiis ah, adeegga la socodka duulimaadka ee Flightradar24 ayaa muujiyay, iyadoo dhowr duullimaad oo Iran ah ay ka mid ahaayeen kuwii ugu horreeyay ee dib uga bilowda dalka.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran, Cabbas Araghchi, ayaa sheegay in xukuumaddiisu aysan qorsheyneynin inay daldasho dadka la xiray ka qeyb qaadanayay banaanbaxyada looga soo horjeedo dowladda.

Isaga oo la hadlay Fox News, ayuu sheegay, in Madaxweyne Trump uusan sameynin isla qaladkii uu galay sanadkii hore – markaasoo Mareykanku uu weerarro cirka ah ka fuliyay xarumaha Nukliyeerka Iran bishii June.

Mr Trump ayaa ku hanjabay inuu qaadi doono “tallaabo aad u xoogan” haddii Iran ay bilowdo fulinta dilalka – laakiin markii dambe wuxuu sheegay in lagu war geliyay in dilalka dadka mudaharaadaya la joojiyay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments