Saturday, January 17, 2026
Google search engine
HomeWararMaxay tahay ujeedka ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Mareykanka loogu soo diray Geeska Afrika?

Maxay tahay ujeedka ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Mareykanka loogu soo diray Geeska Afrika?

Ku xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka, Christopher Landau ayaa isku diyaarinaya safar uu ku marayo Geeska Afrika, waxa uu tagayaa dalalka Kenya, Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Jabuuti sida lagu sheegay xogta socdaalkiisa.

Christopher ayaa lagu wadaa in marka uu tago Itoobiya iyo Jabuuti in uu la kulmo Madaxda dalalkaas, si dhab ah looma shaacin waxa uu kala hadlayo iyo waxa kusoo beegay safarkiisa Geeska Afrika oo Mowjado siyaasadeed dhexda uga jira.

Maraykanka ayaa xiriir wanaagsan la leh dalalka deriska ah ee Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti oo dhowaan ay kulmeen hoggaankooda sare sida Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyaga oo kawada hadlay xaalada ku cusub Bariga Afrika.

Inta badan Maraykanka ma bixiyo warbixinno hordhac ah oo ku saabsan safarka mas’uuliyiintiisa ay ku tagayaan Dalalka kala duwan ee Caalamka, waa tan keentay in aan sawir toos ah laga bixin Karin waxa ay kawada hadlayaan.

Socdaalka ku xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka, Christopher Landau ee geeska Afrika ayaa ku soo beegmaya xilli ay Israa’iil ay ku dhawaaqday in ay aqoonsatay Somaliland.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments