Wednesday, March 4, 2026
Google search engine
HomeWararXOG: DF oo dacwad ka gudbineysa Israa'iil & MD Xasan oo mowqifkiisa...

XOG: DF oo dacwad ka gudbineysa Israa’iil & MD Xasan oo mowqifkiisa beddelay

Xogo hoose oo aan helnay ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya waddo qorshe ay dacwad rasmi ah uga gudbineyso maamulka Israa’iil oo ka dib aqoonsigii Soomaaliland bilaabay inuu si ficil ah ugu soo xadgudbo madax bannaanida iyo jiritaanka Jamhuuriyadda.

Dowladda Federaalka ayaa si weyn kaga carooray laga soo bilaabo safarkii uu Hargeysa ku yimid Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil Gedeon Saar 6-dii bishan janaayo 2026 ilaa diyaarado Israa’iil leedahay oo si qarsoodi ah ku soo galaya hawada Soomaaliya, kuwaas oo tegaya Soomaaliland, iyagoo aan fasax ka haysan Dowladda Dhexe ee fadhigeedu yahay Muqdisho.

Xogaha qaar ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh uu cabasho rasmi ah u gudbinayo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo lagu wado inuu bishan isaga shirguddoomiye kulan ka dhacaya magaalada New York. kuna wargelinaya Golaha in aysan Dowladda federaalka u dulqaadan doonin daan daansiga iyo xadgudubka bareerka ah ee Israa’iil ka waddo qeybo ka mid ah dhulkeenna Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweynaha JFS, ayaa raadinaya xiriir rasmi ah uu la sameeyo madaxda ugu sareysa Israa’iil si uu ugala hadlo arrimaha soo kordhay kuna qasbo in ay ka laabtaan go’aanka aqoonsiga lagu siiyay Somaliland, balse waxaa fashilmay dhowe isku day oo Dowladda ku dooneyso in ay ku hesho xiriirka madaxda Israa’iil.

Maamulka YH, ayaa wada daan daansi iyo qorshey uu ku kala qeybinayo Soomaaliya, waxaana maalmahan aad loo hadal hayay in madaxweyne Cirro u safrayo Israa’iil ama uu u safray, maaddaama wax xog ah laga la’yahay halka uu cirib iyo jaan dhigay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments