Faah faahino kala duwan ayaa ka soo baxeysa weerar qaraxyo ku bilowday Al-shabaab ku qaadeen saldhigyo ciidanka Jubbaland ku leeyihiin xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya gaar ahaan deegaannada Buurgaabo iyo Jaziiradda Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose.
Fariisimaha la weeraray ayaa waxaa ku sugnaa ciidamada Jubbaland, kuwaas oo halkaas ku leh saldhigyo waa weyn, weerarka oo hadda socda ayaa lagu soo waramayaa in ay geysteen khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo si dhab ah loo ogeyn tirada saxda ah.
Maleeshiyada Al-shabaab oo war ka soo saaray weerarka ayaa guulo ka sheegtay, inkastoo dagaalka uu wali socdo, waxayna ciidamada Dowladda helayaan gurmad ciidan.



