Wednesday, March 4, 2026
Google search engine
HomeWararDonald Trump oo markale weerar Afka ah ku qaaday Soomaalida & Ilhan...

Donald Trump oo markale weerar Afka ah ku qaaday Soomaalida & Ilhan Cumar

Madaxweynaha Dalka Mareykanka, Donald Trump ayaa mar kale weerar afka ah ku qaaday Soomaalida, wuxuu si gaar ah u bartilmaameedsaday Senator Ilhan Cumar.

Trump oo shir jaraa’d oo aqalka cad ka hadlayay ayaa dhaleeceeyay Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay “meel aad u xun” isla markaana si xun uga hadlay Soomaalida.

Trump waxaa ii yiri:

“Ma jirto cid ka hadlaysa in ugu yaraan 19 bilyan oo dollar ay ku maqan tahay Minnesota, inteeda bandanna ay ku maqan tahay soomaalida. Way qaateen, bal qiyaas? Waa dad ay garashsadoodu yar tahay. Dadka kale way shaqaystaan lacag ayeyna helaan, ka dibna Mercedes benz ayey gataan haalkan ayeyna ka yimaadeen. Iyagu lacagna ma haystaan, marnaba lacag ma aysan yeelan, nolol ma yeelan, marnaba xukuumad ma yeelan, dal ma aysan yeelan, waayo dalba ma jiro”.

Trump oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: “Soomaaliya xataa dal ma aha, soomaaliya ma laha wax xataa astaamihii dal lagu yaqanay u eg, waxaa loo arkaa halka ugu liidata dundia. Halkan ayey imaanayaan wayna taajirayaan, wax shaqo ahna ma hayaan.

Dhanka kale waxaa uu aflagaadeeyay xildhibanad Ilhaan Cumar isagoo yiri:

“Waxaa la ii sheegay in Ilhaan Cumar hantideedu gaarayso 30 milyan oo dollar. Marnaba ma aysan shaqayn. Waa xubin congress oo turufatoore ah”.

Trump ayaa marar badan hore u weeraray Soomaaliya iyo muhaajiriinta Soomaaliyeed ee ku nool Maraykanka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments