Ciidamada Kumaandooska Danab oo kaashanaya kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa saakay weerar rogaal celis ah ku qaadey deegaanka Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose, haolkaasi oo ay shalay dagaal kula wareegeen maleeshiyada Al-shabaab.
Dagaal iyo Duqeymo culus oo saakay ka dhacay deegaanka ayaa ugu dambeyntii u suurta gashay in ay ciidamada huwanta ah dib ula wareegaan deegaanka Kudhaa ee hoostaga degmada Badhaadhe, waxaana dagaalka oo cuslaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray.
Xaalka deegaanka ayaa kacsan, waxaana wali la maqlayaa dhawaqa rasaasta iyo Jugta duqeymo culus, kuwaas oo gudaha deegaanka ku hoobanaya.
Maleeshiyada Al-shabaab oo tan iyo shalay ku sugnaa deegaanka ayaa lagu go’doomiyay, waxaana loo diiday meel ay ka baxaan.



