Shirar iyo dhaq dhaqaaq siyaasadeed ka dhan ah madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deno oo xiriir dhow la leh Imaaraadka Carabta ayaa ka bilowday magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Dowladda Federaalka ayaa markii hore culeys xooggan oo dhanka siyaasadda ah ku haysay Puntland iyo Siciid Deni, waxayna ku kicisay siyaasiyiin, odayaal & ciidamo qaranku leeyahay oo Puntland ku sugan.
Magaalada Boosaaso, waxaa shalay gaaray siyaasiyiin miisaan ku leh Puntland, kuwaas oo saluugsan hab maamulka Deni, waxayna durba bilaabeen dhaq dhaqaaq siyaasadeed oo ka dhan ah madaxweynaha Puntland.
Maxamuud Mashruuc, Faarax Cali Shire iyo xubno kale oo gaaray Boosaaso ayaa tilmaamay in madaxda Puntland ay isku dayeen in ay carqaladeeyaan safarkooda, islamarkaana ishor-taag ku sameeyaan diyaaraddii soo qaadi lahayd, taas oo suurta gelin.
Siyaasiyiinta ku sugan Boosaaso ayaa sheegay in ujeedkooda ugu weyn uu yahay in ay u kuurgalaan xaaladda nololeed iyo tan amni ee ka jirta Puntland, isla markaana ay la tashiyo ballaaran la yeeshaan bulshada deegaanka.
Waxay sidoo kale ku eedeeyeen Madaxweyne Saciid Deni inuusan aaminsaneyn qaranimada Soomaaliya, isla markaana uu caqabad ku yahay dadaallada lagu difaacayo midnimada iyo wadajirka dalka.
Wararka ayaa tilmaamaya in magaalada Boosaaso maalmaha soo socda lagu wado in lagu qabto shir ballaaran oo looga soo horjeedo Madaxweyne Deni, kaas oo lagu gorfeeyn doono xaaladda siyaasadeed ee Puntland iyo mustaqbalka maamulka.
Dhaqdhaqaaqyadan siyaasadeed ayaa la filayaa in ay saameyn ku yeeshaan xasilloonida siyaasadeed ee Puntland, isla markaana ay sii kordhiyaan khilaafaadka u dhexeeya hoggaanka maamulka iyo mucaaradka, taas oo laga cabsi qabo inay wiiqdo amniga, horumarka iyo wada-shaqeynta Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Siyaasiyiinta hadda Boosaaso gaaray ayaa qaarkood ayaa ka tirsan Xisbiga HaybadQaran oo uu musharax u yahay RW hore Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, kuwaas oo hadda bilaabay dhaq dhaqaaq xooggan oo ay ku iib-geynayaan Xisbigooda iyo sidii ay ku kasban lahaayeen taageero xooggan.



