Saturday, February 7, 2026
Google search engine
HomeWararAxmed Madoobe & DENI oo ku soo wajahan Muqdisho

Axmed Madoobe & DENI oo ku soo wajahan Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ku soo wajahan wafdi hordhac u ah madaxda maamul gobolleedyada Jubbaland iyo Puntland. Kuwaas oo iyaguna soo gaaray Muqdisho saacadaha soo socda.

Wafuuddan ayaa la filayaa inay gogol xaar u sameeyaan safarka iyo kulamada ay Muqdisho ku yeelan doonaan madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Puntland, kuwaas oo la xiriira arrimo siyaasadeed.

Sidoo kale, wafuudda ayaa kulamo la qaadan doona masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo sii ambaqaado wadahadallada ku saabsan arrimaha doorashooyinka, dastuurka, iyo xoojinta midnimada dalka.

Shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa berri ka dhici doono magaalada Muqdisho, iyadoo kulankan uu yahay mid xasaasi ah.

Sidoo kale waxaa Muqdisho soo gaaraya Xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, iyagu ku maqan dalka dibadiisa.

Dood adag ayaa Muqdisho waxaa ay ku dhexmari doontaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku jiraan Deni, Axmed Madoobe iyo Siyaasiyiinta Madasha Mucaaradka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments