Saturday, February 7, 2026
Google search engine
HomeWararDhex-dhexaadiyaasha Iran & US oo soo jeediyay qaab dhismeedka Wada-xaajoodka

Dhex-dhexaadiyaasha Iran & US oo soo jeediyay qaab dhismeedka Wada-xaajoodka

Dhexdhexaadiyaasha Qatar,Turkiga iyo Masar ayaa Iran iyo Maraykanka u soo bandhigay qaab-dhismeedka mabaadi’da muhiimka ah ee lagaga wadahadli doono wadahadalada Jimcaha toddobaadkan, kuwaas oo ay ku jiraan ballan-qaadka Iran ee ah in ay si weyn u xaddidayso tayeynta Yuraaniyaamka, sida ay Aljazeera u sheegeen laba ilo-wareed oo wada-xaajoodyada ah.

Qodobbada ugu muhiimsan ee qaab-dhismeedka la soo jeediyay ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah xaddidaadda isticmaalka gantaallada ballistic-ga ah iyo hubaynta xulafada Iran ee gobolka, sida laga soo xigtay ilo-wareedyada, kuwaas oo uu ku jiro diblumaasi sare oo codsaday in aan magaciisa la sheegin sababo la xiriira dabeecadda xasaasiga ah ee wadahadalka.

Ilo-wareed ka tirsan Iran ayaa si gaar ah ugu sheegay Al Jazeera in wada-hadallada oo la filayo inay ka qaybgalaan ergayga gaarka ah ee Maraykanka Steve Witkoff iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Iran Abbas Araghchi, uu ka dhici doono dalka Cumaan ee aanu Turkiga ka dhici doonin sidii hore loo qorsheeyay.

Daaqaddan khafiifka ah ee diblumaasiyadda ayaa ku soo beegantay iyadoo gobolka uu u hanqal taagayo weerar uu Mareykanku ku qaado Iran ka dib markii madaxweyne Donald Trump uu amar ku bixiyay in ciidamada ay isku uruursadaan badda Carabta ka dib markii ay Iran ku kacday dibadbaxayaal rabshado wata bishii hore.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments