Maanta ayaa la filayaa in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu yeesho dood adag oo ku saabsan meel-marinta iyo ansixinta cutubyo ka mid ah Dastuurka, kadib markii shirkii toddobaadkii hore uu ku dhammaaday muran iyo gacan ka hadal dhex maray qaar ka mid ah xubnaha Golaha Labada Aqal iyo ciidamo Boolis ah oo la geeyay xarunta.
Go’aan shalay ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa lagu mamnuucay qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka inay ka qayb galaan fadhiyada Baarlamaanka, kaddib markii lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen rabshadihii ka dhacay gudaha xarunta Baarlamaanka.
Hase yeeshee, tiro xildhibaano ah oo xalay shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa si weyn uga hor yimid go’aankaas, iyagoo ku tilmaamay mid sharci-darro ah.
Xildhibaanadan ayaa sheegay inay maanta tagi doonaan xarunta Baarlamaanka, isla markaana ay ka qayb geli doonaan fadhiga Golaha Labada Aqal, inkastoo uu jiro mamnuucidda la saaray.
Arrintan ayaa sii kordhisay walaaca laga qabo in mar kale gacan ka hadal ka dhaco kulanka maanta, maadaama jawigu yahay mid aad u kacsan.
Warbaahinta ayaa laga manuucay fadhiyada Baarlamaanka, maadamma ay baahinayaan waxa ka socda gudaha Baarlamaanka.
Xaaladda Baarlamaanka ayaa haatan u muuqata mid cakiran, iyadoo ay isa soo tarayaan khilaafaadka siyaasadeed ee la xiriira dastuurka, hoggaanka Golaha, iyo jihada geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka.
Waxaa si weyn loo sugayaa sida uu ku dhammaan doono kulanka maanta iyo haddii ay dhinacyadu gaari doonaan is-afgarad, ama uu sii xumaan doono khilaafka jira



