Wednesday, March 4, 2026
Google search engine
HomeWararDuqeymo ka dhan ah argagixisada oo ka dhacay Sh/hoose

Duqeymo ka dhan ah argagixisada oo ka dhacay Sh/hoose

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa fuliyay hawlgal bartilmaameed ah oo guul leh, ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay agagaarka deegaanka Warmaxan ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Hawlgalkaasi oo dhacay 6-dii Feberaayo waxaa lagu dilay laba ka mid ah maleeshiyaadka khawaarijta ah Al-Shabaab, halka laba kale oo ka tirsan Al-Shabaabna la qabtay.

Sidoo kale, hawlgalka waxa lagu burburiyay bar-kontarool oo Al-Shabaab lahaayeen, waxaana la gacanta lagu dhigay walxaha qarxa ah oo ay maleeshiyaadku qorsheynayeen inay u adeegsadaan cabsi gelinta iyo waxyeellaynta shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments