Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sidda ayaa saakay dil toogasho ah ku fulisay laba dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta Al Shabab.
Dhagarqabeyaasha dilka lagu kala fuliyay ayaa lagu kala magacaabaa Cabdi C/qaadir Maxamed oo magaciisa Af-garashadu ahaa Xuseen iyo Farxaan Maxamuud C/nuur Aadan oo isna Af-garashadiisu aheyd Xasan, kuwaas oo ay horay xukun toogasho ah ugu riday Maxkamadda Darajada 1aad ee CQS.
Labada dhagarqabe ayaa horay magaalada Muqdisho ugu Dilay Afar Muwaadin.



