Wednesday, October 28, 2026
Google search engine
HomeWararSaacad ka horTrump oo ku dhawaaqay tallaabada militari ee uu ka qaadayo...

Saacad ka horTrump oo ku dhawaaqay tallaabada militari ee uu ka qaadayo Iiraan

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu ka fiirsanayo weerar militari oo xaddidan oo lagu qaado Iran si uu ugu cadaadiyo hoggaamiyayaasheeda inay heshiis ku gaaraan heshiiska lagu xakameynayo barnaamijka Nukliyeerka.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay mar uu ka jawaabayay su’aal uu weydiiyay wariye saacado ka dib markii ay mas’uuliyiintu soo jeediyeen suurto-galnimada weerar lagu qaado.

Khamiistii, Trump wuxuu sheegay in dunidu ay ogaan doonto “xilliga soo socda, malaha, 10 maalmood” haddii heshiis la gaari doono ama Mareykanka uu qaadi doono tallaabo militari. Mareykanka ayaa sii kordhiyay joogitaankiisa militari ee gobolka toddobaadyadii la soo dhaafay.

Maraykanka iyo xulafadiisa reer Yurub ayaa ka shakisan in Iran ay u dhaqaaqayso sameynta hubka Nukliyeerka ah, taasoo ay Iran waligeed beenin jirtay.

Saraakiisha Mareykanka iyo Iran ayaa arrintan kulan kaga yeeshay Switzerland, waxayna sheegeen in horumar laga gaaray wadahadallada.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Araghchi oo jimcihii hadlay ayaa sheegay in Iran ay diyaarinayso “qabyo-qoraalka heshiiska suurtogalka ah” ayna ku wareejin doonto ergayga gaarka ah ee Maraykanka Steve Witkoff maalmaha soo socda.

Wadahadallada ka socda Geneva ayaa dhacay iyadoo ciidamada Mareykanka ay sii xoojiyeen joogitaankooda agagaarka Iran.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments